Home Wararka Maanta Cadaado oo laga soo dhaweeyay Doorashada Cabdi Raxamaan Odawaa ee Gaalkacyo

Cadaado oo laga soo dhaweeyay Doorashada Cabdi Raxamaan Odawaa ee Gaalkacyo

0

Cadaado maanta waxaa laga soo dhaweeyay Kursiga uu ku guuleestay Xildhibaan Odawaa oo maanta lagu doortay magaalada Gaalkacyo.

Gadiidka dagaalka ayaa lagu arkayay magaalada Cadaado kuwaasi oo dabaal-dega ka qeyb qaadanayay.

Odawaa ayaa xilkaan helay kadib markii uu tanaasul ka helay dhigiisa Al-Cadaalada oo aad loogu badinayay kursigan.

Cabdi Raxmaan Odawaa ayaa ah siyaasi kasoo horjeeda Dowlada Federaalka ee xilkeeda sii dhamaanayo.

Siyaasiga ayaa la filayaa in Gaalkacyo iyo Deegaanada kale ee Galmudug loogu qabto Xaflad soo dhaweyn ah.

Ku guuleysigiisa waxay dhabar jab ku tagay Dowlada Somaliya oo Gaalkacyo ka wayday qorshihii ay wadatay.

Ad
Previous articleKursigii Xildhibaan Axmed Fiqi oo Galabtay Gaalkacyo Lagu Doortay yaa ku Guulaystay?
Next articleDowlada Federalka Soomaaliya oo Ka Hadashay Geerida Gudoomiyihii Dhalinyarada ee Nabad iyo Nolol

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here