Home Wararka Maanta Dowlada Federalka Soomaaliya oo Ka Hadashay Geerida Gudoomiyihii Dhalinyarada ee Nabad iyo...

Dowlada Federalka Soomaaliya oo Ka Hadashay Geerida Gudoomiyihii Dhalinyarada ee Nabad iyo Nolol

0

Waxaa sidaan yiri gudoomiyaha amniga gobalka banaadir Xali yare cali:

 

Allaha u naxariisto Ismaaciil Maxamuud Shidane, Runtii saa geeri xanuun badan.

Laga soo billaabo maalinkii uu Ismaaciil xanuunsaday oo ay xiriirka nala soo sameysay gabadha uu qabo Iyo maanta uu Alle oofsaday waxaan ku bixinay dadaalkasta oo lagu bixin karay in xaalkiisa lala tacaalo, Sonkortiisa oo aad u kacsaneyd iyo xanuuno kale oo isbiirsaday ayuu xaalkiisa marba heerar kala duwan soo maray.

Dhowr jeer oo la isku dayay in dalka dibadiisa loo qaado xaalkiisa oo adkaaday ayaa saanimixi waayay in dibada loo qaado.

Kulankii shalay dhexmaray dhaqaatiirta la tacaalaysay Ismaaciil iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada waxay dhaqaatiirtu markale ku adkeysteen in aanay suurtagal aheyn in dalka dibadiisa loo qaado oo aanay xataa xaalkiisu saamixi karin inta Oxygen laga bixiyo oo mid kale la galiyo sidaasna safar lagu galiyo.

Si gaar ah waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waqtiga iyo dadaalka uu ku bixiyay sidii loola tacaali lahaa xaalka caafimaad ee walaalkeen Ismaaciil.

Waxaan uga tacsiyadeynayaa qoyska iyo Bahda Nabad iyo Nolol oo uu ahaa xubin weyn waxaanan Alle u waydiineynaa Naxariis iyo janno.

 

 

Ad
Previous articleCadaado oo laga soo dhaweeyay Doorashada Cabdi Raxamaan Odawaa ee Gaalkacyo
Next articleGolaha Wasirada oo Degdeg u ansixisay Miisaniyad ku meel Gaar ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here