Home Wararka Caalamka Waa Maxay Cudurka Cusub ee Florona ee ka Bilowday Israel iyo Saameynta...

Waa Maxay Cudurka Cusub ee Florona ee ka Bilowday Israel iyo Saameynta uu Leeyahay

0

Ku dhawaaqida diiwaangelinta caabuqa ugu horreeya ee loo yaqaan infekshanka Florona, ee Israa’iil, kaas oo wata labo infekshanka ee fayraska Corona iyo hargabka, sida uu shaaca ka qaaday wargeyska Israel “Yediot Aharonot” waxay kordhisay cabsida laga qabo cudurka cusub.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaan ka hadlin waxa ay ku dhawaaqday warbaahinta Israel, taasoo keentay in dad badan ay raadiyaan nooca cudurkan cusub, iyo haddii uu ka yimid Fayraska Corona? Sideese khatar u yahay?

cudurka Florona waa infekshan isku mar ah oo uu la socdo fayraska Corona iyo hargab wada jir ah, sida laga soo xigtay “Yediot Aharonot” oo soo xiganaya ilo caafimaad oo Israel ah.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in fayraska hargabku uu keeni karo cudurro halis ah, sida Sanbabada iyo dhibaatooyinka kale ee neefsashada, myocarditis iyo xitaa dhimasho.

Ad
Previous articleWasaarada Caafmaadka Galmudug oo lawareegtay Hospitalka Guud ee Cadaaado
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Guddi wasiira ah u Magacaabay Afgambigii Xafiikiisa Lagu sameeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here