Home Wararka Maanta Baaq isku mid ah oo loo diray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne...

Baaq isku mid ah oo loo diray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne William Ruto

0

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi, oo booqasho ku yimid Soomaaliya iyo Kenya, ayaa ka hadlay xaaladaha abaareed ee ka jira dalalkaasi, kuwaa oo sababay in dad badan ka barakacaan deegaanadooda.

Filippo Grandi oo siyaabo kala duwan ula kulmay madaxda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg deg ah si loo yareeyo dadka tirada badan ee ku barakacaya abaaraha iyo colaadaha.

Waxa uu sheegay Mr Grandi in dad ka badan hal milyan iyo bar qof qasab ku noqotay in ay isaga hayaamaan guryahooda oo kuyaalla dalalka Soomaaliya iyo Kenya, sababo la xariira abaaraha daran ee jira iyo roobkii oon u da’in sidii la filayay.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi, ayaa ugu baaqay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya in ay gacan ka geestaan gacan siinta dadka abaaraha barakiciyeen iyo xal u helida abaaraha soo noqnoqday.

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhacay abaaro saameyn badan ku yeeshay dad iyo duunyo, waxaanma wali jirta cabsi laga qabo in ay kororto saameynta ka dhalatay abaarta labadasai d

Ad
Previous articleCiidamadii Alshabaab Kasaaray Deegaanka Qaayib oo minooyin Soo Saaray
Next articleTelefashinka NRK ee Norway oo joojiyay Dood uu ka qaban lahaa Xijaabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here