Home Wararka Somaliya Wararka ugu danbeeyay Xaalada Galmudug oo Xiisad laga dareemayo Maanta

Wararka ugu danbeeyay Xaalada Galmudug oo Xiisad laga dareemayo Maanta

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa bilaabay kulamo xal loogu radinaayo xaaladda Murugsan ee deganada maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa xalay la kulmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka waxaana uu kala hadlay sidii laga yeeli lahaa ururka Ahlusunna ee qabsaday degmada Guriceel iyo talaabooyinka la qaadi doono.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dadaal ay ku bixin doonaan sidii xal loo heli lahaa loogana baaqsan lahaa in dagaal uu ka dhaco gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan aqbali doonin urur hubeysan in ay qabsadaan magaalooyinka oo ay jabiyaan heshiiskii lagu dhisay maamulka Galmudug.

Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka jirta degaanada maamulka Galmudug gaar ahaan magaalada Guriceel.

Ad
Previous articleSheekh Shaakir oo ka Hadlay Dagaalada Galmudug iyo Sababta ay u Qabsadeen Guriceel
Next articleRa”isul Wasaare Rooble oo La Kulmay Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra”isul Wasaare Ku xigeenka dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here