Home Wararka Somaliya Sheekh Shaakir oo ka Hadlay Dagaalada Galmudug iyo Sababta ay u Qabsadeen...

Sheekh Shaakir oo ka Hadlay Dagaalada Galmudug iyo Sababta ay u Qabsadeen Guriceel

0

Hoggaamiyaha ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in maamulka Galmudug meeshii uu la dagaallami lahaa Al-Shabaab ay soo weerareen ururka Alhu Sunna.

Wuxuu sheegay in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan gobolka Galgaduud uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay u taagan yihiin  in la hagaajiyo wixii ka khaldan sida uu sheegay maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in maamulka Galmudug aysan kasoo horjeedin oo ay yihiin dadkii mudada dheer gacanta ku hayay gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay in dagaalka Al-Shabaab aysan u soo jeedin balse ay doonayaan dagaalka Ahlusunna.

Xiisad ayaa weli ka taagan gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya kaddib markii shalay ciidamo ka tirsan ururka Alhu Sunna Wal Jamaaca ay qabsadeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, Khamiistiina uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay dad ku dhinteen.

Ad
Previous articleCabdi Kariin Xuseen Guleyd oo soo Dhaweeyay Qoraal kasoo Baxay Kooxda Ahlu-suna
Next articleWararka ugu danbeeyay Xaalada Galmudug oo Xiisad laga dareemayo Maanta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here