Home Wararka Somaliya Gaalkacyo oo lagu Qabtay Shir looga hadlayo Amniga Magaalada

Gaalkacyo oo lagu Qabtay Shir looga hadlayo Amniga Magaalada

0

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir gudoomiyey Shir aan caadi ahayn oo looga hadlayey Amniga Gobolka Mudug, kaas oo ka qabaoomay Gaalkacyo.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo, Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Gobolada Mudug iyo Cayn, Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Xeerilaalinta, Garsoorayaal iyo CID Gobolka Mudug.

Intii uu shirku socday ayaa la isla gartay in la sii dar-dargaliyo sugista iyo adkayn Amniga Gobolka, sidoo kalena dib ushaqa bilowdo Maxkamada Ciidamada Qalabka si loo maxkamadeeyo xubnihii ka haray Al-Shabaab ee gacanta laamaha Amniga ku jira.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Jabuuti uga Qeyb galay Shirka Haretage
Next articleDeegaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo Lix ruux gaajo iyo haraad ugu geeriyotay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here