Home wararka Dalka Deg Deg Ciidanka Galmudug oo la Wareegay Deegaanka Ceel-Cabdi ee Koonfurta Mudug”

Deg Deg Ciidanka Galmudug oo la Wareegay Deegaanka Ceel-Cabdi ee Koonfurta Mudug”

0

Sida Wararka Tilmaamayaan Ciidanka Galmudug oo Saaka Aroortii Dagaal ku Qaaday Deegaanka Ceel-Cabdi Ayaa Wararka Hada Waxay Tilmaamayaan in Ciidanka La Wareegeen Halkaasi,

Ciidanka oo Wata Gawaari Dagaal oo Tiro Badan ayaa Saaka Ka Baxay Deegaanka Camaara Sida Mid kamid ah Xildhibaanada Galmudug uu u sheegay  Mudug24 Waxana intaasi kadib ay la Wareegeen Deegaanka Ceel-Cabdi oo Duleedkiisa Shabaab ku Sugnaayeen,

Al-shabaab Ayaa Dagaal Gaaban kadib iskaga Baxay Deegaanka Ceel-cabdi iyagoo u Baxay Dhanka Deegaanka Caad Halkaasi oo ku Suganyihiin,

Lama Oga in Ciidanka Galmudug ay sii Baacsanayaan Shabaabka Halkaasi laga Saaray Hase Yeeshee Warar Hoose Ayaa sheegay in Deegaano kale ay Ciidanka Galmudug ku socdaan Sida Xarardheere,

Wixii ku soo Kordha Lasoco

Mudug24, Gaalkacyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here