Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Howlgal Qorshaysan oo Lagu Soo Qabtay Sarkaal Sare oo Ka Tiraana Alshabaab...

Howlgal Qorshaysan oo Lagu Soo Qabtay Sarkaal Sare oo Ka Tiraana Alshabaab oo laga Sameeyey Degmada…

0

Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa la sheegay iney howlgal ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa howlgalkan laga sameeyey degaanka Mukayga oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey idaacada codka ku hadasha codka dowlada ee Radio Muqdisho.

“Hawlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa oo ay Ciidamada gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka fuliyeen Mukaya oo ka tirsan degmada Afgooye ayey ku soo qabteen Dhagar qabe Macallin Xaashi oo deegaanadaas u qaabilsanaa Argagixisada Al-shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka ka baxay warbaahinta dowlada.

Faahfaahin intaas dheer lagama bixin howlgalkan iyo sida uu u dhacay, mana cadda heerka iyo darajada uu Al-shabaab ka joogo sarkaalkan magaciisa lagu sheegay Macalin Xaashi ee la soo xiray oo aan sawirkiisa la soo bandhigin.

Ad
Previous articleMaxaa ku dhacay ninkii qoriga ku qabtay Soomaali ku jirtay McDonald’s, Minnesota?
Next articleDeg Deg:Nabadoon kale oo Caan ka ahaa Degaanada Galmudug oo Cawa Lagu Dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here