Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Maanta ka Qeyb galay Aaska Ugaas Axmed...

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Maanta ka Qeyb galay Aaska Ugaas Axmed Bare (Sawiro)

0

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Cali Daahir Ciid oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha baarlamanka Galmudug, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug Wasiiri Siyaasin oo Soo gaaray Magaalada Caabudwaaq ayaa ka qayb Galay Aaska Allaha u naxariistee Ugaas Axmed Bare Cali (Taakooy) kaasi oo Xalay ku geeriyooday Magaalada Caabudwaaq.

Ugaaska Oo Galabta lagu Aasay Caabudeaaq ayaa sidoo Kale waxaa goob joog ka ahaa oo isna isla maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Caabudwaaq Ugaas Maxamed oo Maalmah ku maqnaa Dalka Dibadiisa.

Aaska qaran ee loo sameeyey Ugaas Axmed Bare Cali (Taakooy) ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Caabudwaaq, Salaadi Janaasda Oo lagula tukaday baraxa Roob da’ay ayaa halkaas loogu duceeyey Ugaaska in alle jano fardowsa ka waraabsho intii uu ka tagayna Samir iyo Iimaan allaha kasiiyo.

Ad
Previous articleWafdi ka socda Beesha Caalamka oo gaaray Hobyo { SAWIRO}
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Ka hadlay Geerida Ugaas Barre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here