Home wararka Dalka Xog Heshiis Galabta Dhexmaraya Galmudug iyo Puntland oo Kismaayo ka Dhacaya Wax...

Xog Heshiis Galabta Dhexmaraya Galmudug iyo Puntland oo Kismaayo ka Dhacaya Wax Badan kala Soco’

0

Waxaa Galabta Magaalada Kismaayo ka furmaya Shirar hordhac ah kuwaas oo looga hadlayo arrimaha Maamulada Soomaaliya iyo is-afgarad dhexmara, waxaana kulamadaas ay gaar ugu dhexeeyaan iskuna arkaya Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaan Axmed Madoobe iyo Madaxwaynaha Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa kulmaya Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha Galmudug Cabdikariin xusen guuleed  waxaana dhamaan kulamaad dhexdhexaadiye ka ah Ra’iisulwasaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Shirka dhexmaraya Madaxwaynaha Puntland iyo Madaxwaynaha Galmudug, waxaa goob joog ka noqon doona Ra’iisuwlasaaraha Soomaaliya iyo Madxwaynaha Jubbaland, waxaana loog ahadlayaa dagaaladii Gaalkacyo ka dhacay Bishii ugu dambaysay Sanadkii tagay ee 2015.

Madaxwaynaha Jubbaland oo dhawana booqday Cadaado, waxaa uu sheegay in Kismaayo gogasha nabadaynta ay taal, ayna jecelyihiin in lasii amba qaado.

Kulmadsa Puntland iyo Galmudug ku dhexmari doona Kismaayo ayaa siwayn looga sugayaa Soomaaliya,lamana oga natiijada kasoo bixi doonta.

Ra’iisulwasaraha Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira dub u heshiisiinta Soomaaliya waxaana Madaxwaynaha Jubbaland dhiniciisa ay isfahan hordhac ah gaareen Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan  waxaana lagu dhamaystirayaa Kismaayo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here