Home Wararka Maanta Cabdirahman Aadam Fanaale oo Soo Galay Gacanta Dowlada

Cabdirahman Aadam Fanaale oo Soo Galay Gacanta Dowlada

0

Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee ka howlgala degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool , ayaa maanta soo bandhigay dagaalyahan katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay.

Cabdirahman Aadam Fanaale oo muddo ka badan sagala sanno katirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka nabad sugida, waxa uuna sheegay ninkan in si iskiis ah uga soo baxsaday kooxdii uu katirsanaa.

Waxa uu sheegay ninkan mudadii uu katirsanaa kooxda Al Shabaab in uu kasoo qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay qaar kamid ah gobolada dalka, waxa uuna xusay in cabsi ku beeray howlgalka ciidanka wadaan .

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan qaar kamid ah gobolada dalka ugu soo bandhigay dagaalamayaal la sheegay in ay kasoo goosteen kooxdaasi, waxaana ragga soo goosta dowladda geysaa xarun dhaqan-celin ah oo loogu tala galay in lagu xareeyo.

Ad
Previous articlePuntland oo Ka hadashay Dagaalka Khasaaraha Badan Dhaliyay ee Shalay Dhexmaray Puntland iyo Galmudug
Next articleKaalinta Mareykanka uu ku leeyahay ee xiisadda India iyo Canada ka Dhex Taagan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here