Home Wararka Maanta Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed oo War layaab leh kasoo Saaray Ceebtii Dhawaan ka...

Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed oo War layaab leh kasoo Saaray Ceebtii Dhawaan ka Dhacday Fagaaraha Tartanka China

0

Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa beeniyey inay direen gabadhii Soomaaliya ku matalaysay tartanka orodka ee Shiinaha ka dhacay.

Gudoomiyaha ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ineysan waxba kala socon, shaqana ku laheyn dirista Nasro Abuukar Cali oo dhalisay fadeexad hadal hayn abuurtay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orod oo ka dhacay Shiinaha.

“Waxba kama ogin lugna kuma lihin diritaanka gabadha iyo ka qeyb galkeeda tartanka, Guddi Sports malahan ururka Jaamacaduhu, kaliyana tayeynta waxbarashada ayuu ka shaqeeyaa” ayuu yiri Gudoomiye Biday.

Biday ayaa sheegay ururka Jaamacadaha uu metelo 50 jaamacadood oo ku baahsan Somalia, uusana jirin illaa hadda urur kale oo ku hadli kara magaca jaamacadaha Soomaaliyeed.

Hadalkan Dr. Biday ayaa yimid saacado ka dib markii Gudoomiyihii shaqada laga joojiyey ee xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Khadiijo Aadan Daahir ay sheegtay in Nasro Abukar Cali ay tartanka Shiinaha u dirsadeen ururka Jaamacadaha, xiriirka ciyaaraha fududna aysan shaqo ku laheyn.

Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha DF ayaa horey u sheegtay ineysan la socon qaabka gabadhaas loogu diray Shiinaha, waxayna haatan u muuqataa in dirista gabadhaas la isku tuur tuurayo.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Si Wada Jir ah u eedeeyey Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab
Next articleGudoomiyihii shaqada laga joojiyey ee xiriirka Soomaaliyeed oo ka Shiftay Cida Dirtay Nasro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here