Home Wararka Caalamka Imaaradka Carabta iyo Qatar oo Diiday Codsi uga Yimid Madaxweynaha Maraykanka

Imaaradka Carabta iyo Qatar oo Diiday Codsi uga Yimid Madaxweynaha Maraykanka

0

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa qiray in uu ku guuldarraystay dadaal uu doonayey in madaxweyne Joe Biden uu talefanka kala hadlo dhaxalsugaha boortooyada Sucuudiga Amiir Muxamed Bin Salmaan iyo dhaxalsugaha Abu Dhabi Sheekh Muxamed Bin Saa’id.

Wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee “Wall Street Journal” ayaa qoray, “Dhaxalsugayaasha Sacuudiga iyo Abu Dhabi ayaa diiday in ay talefanka kala hadlaan madaxweyne Biden” Halka labada Muxamedba ay toddobaadkii hore talefanka kala xiriireen Madaxweyneyaasha Ruushka iyo Ukraine.

Maraykanka ayaa ku jira dadaal uu doonayo in uu ururiyo taageero xooggan oo ka hor timaadda dagaalka Ruushka ee Ukraine iyo in la isu kaashado xakamaynta dhibaatada kor u kaca shidaalka ee dagaalkaasi sababi karo.

Labada hoggaamiye ee Sacuudiga Iyo Imaaraadka oo uu Madaxweynaha Maraykanku doonayey in uu arrintaas kala hadlo ayaa shardi kaga dhigay, in ay sida oo kale ka wada hadlaan dagaalka ay ka wadaan Yemen.

Sucuudiga ayaa hore u diiday dalab uu Maraykanku kaga doonayey inuu gacan ka geysto dejinta qiimaha shidaalka. Waxaana uu shardi ka dhigay in marka hore Maraykanku ballanqaado in uu taageero buuxda ka siinayo dagaalka Yemen, inuu ka caawinaya samaysashada Nukliyeer nabadeed ah iyo inuu dhaxalsugaha Sucuudiga Muxamed Bin Salmaan siiyo xasaanad ka hor istaagta in lagu soo oogo dacwado la xiriira dilkii saxafigii Jamaal Khashoqji ee sannadkii 2018 kii

Weji gabaxii uu Madaxweyne Biden kala kulmay labadan dal ee Khaliijka kaddib, waxa uu la xiriiray madaxweyneyaasha Ruushka iyo Ukraine si uu isugu dayo in colaadda xal loo helo.

Ad
Previous articleDabageed “Aniga iyo Madaxweynaha HIrshabelle hal sano iyo bar ayaan isla shaqeynaynay isma khilaafin, kuraas dad loo xiraa ma jiraan”
Next articleJeneraal Indha Qarshe oo Go,aan Culus ka Qaatay Kursigi HOP020 oo uu Utartamaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here