Home Wararka caalamka Madaxweynaha Somalia oo ka Hadlay Mooshinka Laga Keenay isagoo Sheegay,,,,

Madaxweynaha Somalia oo ka Hadlay Mooshinka Laga Keenay isagoo Sheegay,,,,

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo Galabta Shir jiraa’id ku qabtay Madaxtooyada  ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Mooshinka ay ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa Tilmaamay in Xildhibaanada  Mooshinka ka keenay  uu u arko kuwo Gudanaya Waajibaadkooda Shaqo,waxaan uu intaa ku daray in loo baahan yahay in laga fiirsado.

“Waxaan ku Talinlahaa in laga fiirsado Mooshinka ay Xildhibaanada Qaar keeneen,Mooshinku ma Xuma laakiin waxaa uu dib u dhac ku keeni karaa Nidaamka Dowladnimo”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Shalay ayey aheyd Markii Xildhibaano ka badan 90 Mudane ay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya kuwaas oo ku Eedeeyay wax qabad la’aan Mudadii uu Xafiiska Joogay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here