Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Gacanta Ku Dhigtay Doon Hubwaday iyo Ragii Watay

Puntland oo Gacanta Ku Dhigtay Doon Hubwaday iyo Ragii Watay

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka lagu soo qabtay doon siday hub sharci darro ah iyo raggii la socday, kuwaas oo lagu sheegay inay ahaayeen burcad badeed.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay Gobolka  Raas Caseer ee maamulkaasi, ayada oo gacanta lagu soo dhigay doonidaas iyo saddex qof oo la socday.

Taliyaha qaybta ee gobolkaasi, Gaashaanle Fu’aad Maxamuud Xuseen oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalka, isaga oo sheegay inay iska kaashaadeen ciidamada booliska iyo kuwa ilaalada xeebaha ee maamul goboleedka Puntland.

Fu’aad ayaa sheegay in hubka gacanta usoo galay uu yahay mid casri ah, uuna ka kooban yahay qoryo, rasaas iyo shidaal ay wateen burcadda lasoo qabtay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in eedeysanayaasha saddexda ah ee la qabtay la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna la dagaalamu doonaan burcad badeeda iyo cid kasta oo halis ku ah amniga deegaanka

“Ciidamada ammaanka aya aku raadjooga burcad badeedda falalka amni darri ka wada xeebaha bari ee ee Puntland iyo cid kasta oo carqaladeyneysa amniga gobolka” ayuu yiri.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo bilihii lasoo dhaafay kooxaha burcad badeeda ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen xeebaha Soomaaliya, ayaga oo weeraray dhowr markab.

Ad
Previous articleAbiy Ahmed oo ka hadlay cabsida laga qabo dagaal ay galaan Itoobiya iyo Somalia
Next articleSababtii Shalay oo Weeraray Suuqa Bakaaraha Iyo Khasaaraha La Qariyay ee ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here