Home Wararka caalamka Daawo: Wariyayaasha magaalada Gaalkacyo oo go’aan ka qaatay tabinta safarka maaxweynaha Puntland...

Daawo: Wariyayaasha magaalada Gaalkacyo oo go’aan ka qaatay tabinta safarka maaxweynaha Puntland uu ku tagay Gaalkacyo….

0

Wariyayaasha ka howlgalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa shalay go’aan cad ka qaatay tabinta safarka madaxweynaha dowladda Puntland uu ku tagay magaalada Gaalkacyo.

Tilaabadaan ayaa daba socota ka jawaabid la‘aanta jirdil iyo handadaad loo geystay suxufiyiin ka howlgalla Gaalkacyo, taasoo kasoo gaartay socdaalkii uu dhowaan Gaalkacyo ku yimid Raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Wariyayaasha ayaa sheegay inay jirdilkaan geysteen ciidamada madaxtooyada Puntland ee ilaalada u ahaa Raysal wasaaraha, waxayna suxufiyiintu sheegeen inay dowladda kasoo jawaabi weyday cabashadooda iyo dhibaatada loo geystay wariyayaasha.

 Halkaan ka daawo muuqaalka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here