Home Wararka Maanta Midowga yurub oo 120 Milyan ugu deeqaya Howlgalka ATMIS

Midowga yurub oo 120 Milyan ugu deeqaya Howlgalka ATMIS

0

Guddiga Siyaasadda iyo ammaanka midowga Yurub ayaa ansixiyay taageero dhaqaale oo dheeraad ah oo loogu talo galay hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Sannadkan 2022-ka, Midowga Yurub ayaa 120 milyan oo Yuuro ku dari doona taageeeradii dhaqaale ee uu siin jiray ciidamada howlgalka midowga Afrika ee Soomaliya.

Taageeradan ayaa inta badan waxay gacan ka geysan doontaa gunnooyinka askarta howlgalka ATMIS, si ay awood ugu yeeshaan howlgalku inuu si hufan u guto waajibaadkiisa.

Midowga Yurub ayaa ugu deeqay AMISOM/ATMIS, wadar ahaan lacag ku dhow €2.3 bilyan tan iyo 2007.

Midowga Yurub wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu si dhow ugu lug yeesho oo uu si buuxda uga go’an yahay inuu gacan ka geysto xoojinta guulaha amni ee Soomaaliya.

Ad
Previous articleXildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed ‘oo lagu Weeraray Magaalada Baydhabo
Next articleMaamulka Puntland oo Toogasho ku xukuntay rag dilal ka geysan jiray Magaalada Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here