Home Wararka Somaliya Puntland Baarlamaanka Maamulka Puntland oo markale Gaashaanka u Daruuray Tallaabadii Saciid Deni

Baarlamaanka Maamulka Puntland oo markale Gaashaanka u Daruuray Tallaabadii Saciid Deni

0

Xildhibaana baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa markale diiday xubnaha maxkamadda sare ee 4-tii July markii la ansixin waayey uu dib usoo magacaabay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Golaha wakiilada ayaa cod aqlabliyad leh uga horyimid tallaabada uu qaaay madaxweynaha Puntland, waxaana 30 ka mid ah ay diideen dib u soo celinta mas’uuliyiinta Maxkamadda sare, 3 xubnood ayaa sidoo kale ka horyimid, halka 7 xildhibaan oo kale ay ka aamuseen.

Sidoo kale xubnaha baarlamaanka ayaa sharci darro ku tilmaamay in madaxweyne Saciid Deni uu dib usoo celiyo isla xubnihii ay horey u diideen ee maxkamadda sare.

“Xubnaha garsoorka ee waaya codka kalsoonida golaha wakiilada dib looguma soo celin karo, mana jiro qodob sharci ah oo arrintaas bannaynaya,” ayuu yiri goluhu..

Dhinaca kale guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa arrintan u xil-saaray guddi gaar ah oo kasoo baaran daga khilaafka ka dhashay diidmada xubnahaan iyo dib usoo celintooda.

Go’aanka kasoo baxay golaha wakiilada ee Puntland ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dalka uu ka maqan yahay Madaxweyne Saciid Deni oo safar ku aaday dalka imaaraadka.

 

 

Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo Toogasho ku xukuntay rag dilal ka geysan jiray Magaalada Gaalkacyo
Next articleXaruntii Degmada Beledxaawo oo La Gubay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here