Home Wararka Maanta Faahfaahin iyo Khasaaraha Ka Dhashay Qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka Dhacay Ifka...

Faahfaahin iyo Khasaaraha Ka Dhashay Qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka Dhacay Ifka Xalane

0

Faah-faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka xaruntii hore ee dhul-bixinta oo ku taalla isgoyska Ifka Xalane, halkaas oo ay deggan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada ee loo yaqaano Boolis Milataaro.

Gaariga oo ahaa Toyota Land Cruiser oo  ay Soomaalida u taqaano (Layla Calaawi) ayaa ku qarxay halkaas, waxaana firirka qaraxa uu gaaray xaafado ay deggan yihiin dad shacab ah.

Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas furay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee ku sugnaa aagga uu weerarka qaraxa ah ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan oo jugtiisa si xoogan looga maqlay magaalada Muqdisho ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen labo kale.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale goor dambe goobta gaaray, kuwaas oo howlgallo kooban ka sameeyay meesha uu qaraxu ka dhacay.

Waxaa sidoo kale hakad galay isku socodka waddada xiriirisa Isgoyska Ifka Xalane iyo Cali Kamiin, halkaas oo ay isaga kala gooshaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa raaxada ah.

Ma jiro wax faah-faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaas oo bartilmaameedkiisu ahaa in lala beegsado ciidamada xasilinta caasimada ee deggan halkaasi.

Weerarkan ayaa ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay qaarkood sheegteen xubnaha kooxda Al-Shabaab.
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Qarixii Cuslaa ee Goordhow Ka Dhacay Muqdisho
Next articleXasan Cabdiraxmaan Indha-Yare oo Dhawaan Garoonka Adan Cadde ku Dilay nin Kenyaan ah oo Xukun Lagu Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here