Home Wararka caalamka Faroole” Muqdisho majeerteen baa lagu laynayaa “

Faroole” Muqdisho majeerteen baa lagu laynayaa “

0

Inkasta oo hadal laga yaqyaqsiyoodo oo kasoo baxay Faroole uusan ahayn wax cusub oo lala yaabo, haddana marka uu u gefo dad dhibban, waxaa mudan in umadda loo sheego, lana siiyo jawaab ku habboon.

Cabdiraxmaan Faroole iyo reer Puntland, ayaa meelaha wareejinaya qubxi ah in labada nin ee ku beesha ah ee Muqdisho ku geeriyoodaba in si gaar ah loo beegsaday, inkasta oo boqolaal qof oo reer Muqdisho ah ay ku geeriyoonayaan gacanta arxanlaawayaasha Al-Shabaab.

Wareysi cusub oo uu Faroole siiyey radio uu lee yahay wiilkiisa, ayaa isaga iyo weriyihii wareysanayey waxa ay isla jiibinayeen in dadka kasoo jeeda Puntland si gaar ah loogu beegsaday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama.

Waa ay tixraacayeen geerida safiirkii Soomaaliya ee Switzerland Allaha u naxariistee Yuusuf Bari-Bari, oo kamid ah in ka badan 20 qof oo u badan reer Muqdisho oo lagu xasuuqay hotelka.

Weriyihii wareysiga qaadayey, ayaa Faroole afka u geliyey in Yuusuf Bari-Bari iyo dad reer Puntland si gooni ah loogu ugaarsanayo Muqdisho. Faroole oo markii hore u muuqday inuu ra’yigaas iska diiday, ayaa goor dambe wareysiga ku muujiyey in uu meelaha ka maqlay in Yuusuf Bari Bari la toogtay, laba qof oo la fadhidayna la iska dhaafay.

Hadalkaas aan salka iyo raadka lahayn ee reer Puntland ay meelaha wareejinayaan, ayaa ku tusaya dulqaad la’aanta haysa, iyo heerka ay gaar siisan tahay xaasidnimada ku jirta ay u qabaan Muqdisho iyo dadka dega.

Haddii Yuusuf Bari Bari iyo laba qof oo kale oo kasoo jeeda Puntland Muqdisho lagu dilay ay ka dhigeen in qabyaalad ay ka dambeyso, waxa ay gadaal iska mariyeen xaqiiqda ah in boqolaal reer Muqdisho ah, kuwaas la mid ah am aka heer sarreeya Muqdisho lagu dilay, haddana dadka Muqdisho oo dhibka ugu badan ee Shabaab qaba aysan marnaba soo hadal qaadin in ayaga iyo magaaladooda si gaar ah loo bartilmaameedsanayo, inkasta oo haddii ay sidaas ku doodi lahaayeen ay haysan lahaayeen caddeymo ay ku taageeraan doodooda.

Weerarkii Hotel Shamo ee Shabaab ay ku xasuuqday ardayda iyo aqoonyaahanada, waxaa dadka Muqdisho ku abtirsada ay ku waayeen wasiiro iyo aqoon yahanno badan oo ay ku jireen Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Dr. Shaahid, Cabdullaahi Waayeel, Qamar Cali iyo jiil arday ahaa oo mustaqbal ifiyaye lahaa. Reer Muqdisho ma aysan dhihin qabiil baa nalo batilmaameedsaday.

Qaraxii tiyaatarka ee April ee 2012, waxaa dadka Muqdisho ku abtirsada uga baxay dad magac leh oo ay ku jireen hoggaamiyayaashii cayaaraha sida AUN Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Saciid Mugaambe iyo shacab tiro badan oo aan waxba galabsan. Reer Muqdisho ma aysan dhihin qabiil baa nalo batilmaameedsaday.

Qaraxii Hotel Central ee February sanadkan dhacay, waxaa ku naf waayey Soomaali badan oo ay ku jireen dad kasoo jeeda Puntland, Somaliland iyo kuwa reer Muqdisho u badan sida xildhibaan Cumar Furduq iyo Caano-Geel oo madaxda gobolka ka mid ahaa. Reer Muqdisho ma aysan dhihin qabiil baa nalo batilmaameedsaday.

BY wariye Bile Labis

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here