Home Wararka Maanta Xamse Cabdi Bare oo Gaaray Degmada Dooloow ee Gobalka Gedo(Sawiro)

Xamse Cabdi Bare oo Gaaray Degmada Dooloow ee Gobalka Gedo(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.

Ad
Previous articleDowladda Ingiriisku oo Ku bixisay lacag ka badan hal milyan oo doolar tarxiilka wiil Soomaali ah
Next articleYuuqow Caliyow Xaaji oo Qarax Ku Dilay Hooyo iyo Caruurteeda oo Maxkamada Lasoo Taagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here