Home Wararka Maanta Yuuqow Caliyow Xaaji oo Qarax Ku Dilay Hooyo iyo Caruurteeda oo Maxkamada...

Yuuqow Caliyow Xaaji oo Qarax Ku Dilay Hooyo iyo Caruurteeda oo Maxkamada Lasoo Taagay

0

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa maanta kasoo muuqday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas lagu soo eedeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Maxkamadda ayaa waxaa lasoo taagay eedeysane lagu magacaabo Yuuqow Caliyow Xaaji oo lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka, uuna ka howlgalayay caasimada, gaar ahaan waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay qarax miino oo ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo kala ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay iyo sidoo kale darawal mooto Bajaajleh ahaa.

Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Axmed Cabdalle oo maxkamadda ka hadlay ayaa sheegay inuu ninka  halis ahaa, isla-markaana uu ka shaqeynayay sidii uu u beegsan lahaa dadka shacabka ah ee mara waddadaasi.

“Ninkan wuxuu isku kor dilay laba wiil oo aan qaan gaar ahayn iyo hooyadood waa ninka maalin walba waddada Afgooye aadeyso illaa Muqdisho isku xirto la raadsanaayay inuu qarax dhigo oo uu dad badan ku laayo bis” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada.

Sidoo kale waxaa Maxkamadda kasoo muuqatay haweeneyd Ruqiyo Jaamac Khayre oo iyana lagu eedeeyay inay hubka u kaydin jirtay kooxda, taas oo laga soo qabtay deegaanada Ceelasha Biyaha taas oo la sheegay ina la shaqayneysay eedeysanaha.

Xeer ilaalinta ayaa  Maxkamadda ka codsatay in eedeysanayaasha lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay ‘khatar ku ahaayeen’ amniga guud ee dalka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray fadhigan, wuxuuna sheegay in go’aanka ay dib ka shaacin doonaan.
Ad
Previous articleXamse Cabdi Bare oo Gaaray Degmada Dooloow ee Gobalka Gedo(Sawiro)
Next articleCosoble oo si Cajiib ah  uga hadlay xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here