Home Wararka caalamka Galmudug oo Xoojisay Amaanka Deegaanadeeda kedib Shiqaaqooyinka Puntland….

Galmudug oo Xoojisay Amaanka Deegaanadeeda kedib Shiqaaqooyinka Puntland….

0

Maamulka Galmudug ayaa Xoojiyay Ammaanka Deegaanadiisa ka Gadaal Weerarro Argagixiso oo Muddooyinkii Dambe ka dhacayay Deegaanada Puntland.

 

Aweys Cali Siciid Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ka Gaashaantay Weerarro Argagixiso oo ka Dhaca Deegaanadiisa, tan iyo markii ay Bateen Weerarrada ka dhacaya Dhinaca ay Magaalada Gaalkacyo ka Joogto Puntland.

 

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay Cududdooda isugu Geeyeen Gobollada ay Puntland ka Gadaal markii looga Adkaaday Dagaallada Gobollada Koofurta ee ay Ciidanka DFS la Galeen, waxaana taasi ay sababtay in ay Weerarradooda iyo Xoogga ugu Badan Waqtigan ka Fulinayaan Deegaanada ay Puntland Joogto.

 

“Galmudug waa ay ka Gaashaamatay wax walba oo Amaanka Dhaawici kara, Puntland oo aan Deris nahay waxa ka dhacaya waad Aragtaan, waxaan Go’aansanay in Ciidanku Habeen iyo Maalin ay soo Jeedaan si ay Amaanka Dalkooda iyo deegaankooda” ayuu Hadalkiisa Raaciyay Aweys Cali Siciid.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here