Wararka naga soo gaaraya Iskooyska Banaadir Ee Degmada Hodan ayaa sheegaya in Saaka uu halkaasi ka dhacay Shil gaari oo Khasaaro geeystay,kadib markii ay isku dhaceen Gaari Booyad ah iyo Cabdi Bille ay Ciidamo Saarnaayeen.
Qof Goobjooge ah oo ku sugan Isgooyska Banaadir ayaa sheegay in Labo Askari oo kamid ahaa Ciidamada Cabdi Billaha saarnaa ay ku Dhaawacmeen Shilka Gaari ee Degmada Hodan ka dhacay.
Shilkaan ayaa la sheegay in uu yimid ka gadaal markii Gaariga Ciidamadu ay wateen oo Xowli u socda ay isku dhaceen Gaariga kale oo Booyada ah.