Home Wararka maanta DEGDEG: Qaraxyo lagu weeraray Saldhigga Boosaaso iyo xaaladda oo aad u kacsan

DEGDEG: Qaraxyo lagu weeraray Saldhigga Boosaaso iyo xaaladda oo aad u kacsan

1

Wararka saaka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in xalay lagu weeraray qaraxyo Bambaano saldhigga ciidanka ee magaaladaasi.

 

Sida ay sheegayaan wariyeyaal ku sugan Boosaaso qaraxyadan ayaa dhacay xalay saldhigga ciidankana lagu weeraray, waxaana jira khasaare ka dhashay.

 

Wararka ay ka heleyso Warbaahinta Mudug24 ayaa sheegaya inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh balse ma cadda tirada rasmiga ah ee wax ku noqotay.

 

Ciidamada ammaanka Boosaaso ayaa wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga isla markaana lagu baadigoobayo kuwii ka dambeeyay weerarkani oo gaadma ahaa.

 

Puntland ayaa qaraxyadan ku eedeysay Xarakada ALshabaab oo iyagu Soomaaliya ka dagaalama, waxaana saraakiisha ammaanku wadaan baaritaanno sida laga soo xigtay dad ku sugan halkaasi.

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here