Home Wararka Maanta Swedan oo Dowlada Soomaaliyabku Qasbaysa inay aqabasho Soomaalida Dalkaas laga Soo Tarxiilaayo

Swedan oo Dowlada Soomaaliyabku Qasbaysa inay aqabasho Soomaalida Dalkaas laga Soo Tarxiilaayo

0

Xukuumadda haatan ka talisa dalka Sweden waxay doonaysaa inay arkaan masaafurin badan ee Soomaalida magangelyo-doonka ee la diiday codsiyadooda iyo kuwa ka soo horjeeda amarka tarxiilka ee la soo saaray.

Sida laga soo xigtay warbixin laga baahiyey Telefishinka Swedish television (SVT), waxay dowladda Sweden u isticmaalaysaa deeqaha sidii hub muranka dhanka socdaalka, iyadoo ku goodisay inay kaalmooyinka dhaqaalaha kala laaban doonaan waddankii diida inay iskaashi ka geystaan sidii qaxootiga codsiyadooda magangelyo-doonka la diiday dib loogu celin lahaa dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Bishii May ee sanadkan 2023-ka, wasiirada wasaaradaha Horumarinta Iskaashiga iyo Socdaalka ee dalka Sweden waxay si wadajir ah qoraal ugu direen dowladda Federalka Soomaaliya, kuna wargeliyeen inay iskaashi xoogan ka muujiyaan qorshaha qaxootiga Soomaalida ee Sweden laga soo masaafurin doono.

Telefishinka SVT oo arkay nuqul ka mid ah qoraalka loo diray DFS ayaa soo tebiyey in dowladda Sweden oo muddo dheer ahayd deeq-bixiyaha ugu weyn Soomaaliya ay haatan dib u eegis ku hayaan kaalmooyinka horumarinta.

Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Sweden, Johan Forssell waxa uu sheegay inuu hadafku yahay inay Xukuumadda Cusub ee Sweden dardar gelinayso Arrimaha Tarxiilka iy inay dalalka kale ku baraarugaan Isbedelka ku yimid Siyaasadda Sweden ee Kaalmooyinka Horumarinta.

Dhanka kale, Agaasime Gobaleedka Hay’adda Diakonia ugu qaabilsan Qaarada Afrika, Philemon Gazi waxa uu si kulul u naqdiyey Go’aanka Dowladda Sweden, isagoo xusay inay walaac ku abuurayso dadka ku nool gudaha Somalia ee Gargaarka ka hela Sweden.

Sida laga soo xigtay Wakaallada Kaalmada Sweden (The Swedish Aid Agency) ee SIDA, ma jiraan Kaalmo Swedish oo si toos ah loo siiyo DFS.

Si kastaba, Dowladda Sweden waxay bartamihii bishii August ee sanadkan 2023-ka ku dhawaaqday inay dalkeeda laga soo tarxiilayo Kumanaan Muhaajiriin Shisheeye ah oo la diiday Codsiyadooda Magangelyo-doonka iyo kuwo kale oo iskooda u codsaday in dib loogu celiyo dalalkooda Hooyo.

Muhaajiriintaasi waxay ka soo kala jeedaan dalalka Iraq, Iran, Afghanistan, Uzbekistan iyo Somalia, iyadoo Tirada Qaxootiga Soomaalida ee laga soo tarxiilayo Sweden gaarayaan 467 qof, sida lagu caddeeyey Tiro-koobkii Wasaaradda socdaalka Sweden soo saartay bishii August ee la soo dhaafay.

Ad
Previous articleMagaalada NewYork oo xaalad degdeg ah looga dhawaaqay
Next articleAnas Cabduqaadir iyo Maxamed Macalin oo Qaraxyo iyo Dilal badan ka Fuliyay Gaalkacyo oo Xukun Adag lagu Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here