Home Wararka Maanta Anas Cabduqaadir iyo Maxamed Macalin oo Qaraxyo iyo Dilal badan ka Fuliyay...

Anas Cabduqaadir iyo Maxamed Macalin oo Qaraxyo iyo Dilal badan ka Fuliyay Gaalkacyo oo Xukun Adag lagu Riday

0

Anas Cabduqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) & Aadan Mursal 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Macalin (Iidow) ayay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ku Xukuntay Dil Toogasha ah, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yarow.

Hore ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ugu xukuntay Dil May 22-keedii Sanadkan.

Anas iyo Aadan ayaa hore Gaalkacyo dhinacyadeeda ugu Dilay Dad u Badnaa Nabadoono iyo Shacab ah oo ay Dileen Salaadaha Masjidka marka ay soo Oogeen Kedib, waxaana kamid ah Dadkii nolosha ay dhaafiyeen Cilmi Cali Guuleed, Cabdi Aadan Siyaad & Maxamad Jaamaca Maxamed.

Dilalkaan ayayna ka Fuliyeen Koonfurta Iyo Wooqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ragaan ayaana Gacanta Lagu Dhigay Kadib Markii ay Qarax Miino lakiciyeen Gaari Ay lahaayeen Ciidamada Danab ee ka howlgala Koonfurta Gaalkacyo.

Ragaan oo Cararaaya ayaana ka Dul Dhacay Xero ay Daganayeen Ciidmada Daraawiishata Galmudug kuwaas oo Gacanta Ku dhigay.

Ad
Previous articleSwedan oo Dowlada Soomaaliyabku Qasbaysa inay aqabasho Soomaalida Dalkaas laga Soo Tarxiilaayo
Next articleMucaaradka Lagtagareen oo Soo Gaaray Dhuusamareeb(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here