Home Wararka caalamka Gobolka Galgaduud Deegaano ka Tirsan oo Ciidamada itoobiya ay iskaga Baxeen…

Gobolka Galgaduud Deegaano ka Tirsan oo Ciidamada itoobiya ay iskaga Baxeen…

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaano kamid ah Gobolkaasi ayaa ka baxay qaar kamid ah deeganadii ay ku sugnaayeen.

 

 

 

Deeganada Ceelgaras iyo Ceel lahelay oo Galgaduud ka tirsan ayeey ciidamada ka baxeen xalay saqdii dhexe, sida ay sheegeen dadka deegaanka halkaasi ku sugan.

 

 

 

Warka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka ay aadeen dhanka wadada Dhuuso Mareeb ee Gobolkaasi, iyadoo guuxa gaadiidka xalay laga maqlaayeen deeganada Ceelgaras iyo Ceel la helay.

 

 

 

Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Ceelgaras iyo Ceel lahelay, wuxuuna sarkaalkaan ka gaabsaday inuu faah-faahin rasmi ah ka bixiyo sababta ciidamada Itoobiya ay halkaasi uga baxeen.

 

 

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka aroortii ciidamada Shabaab ay gudaha u galeen deeganadaan, iyaga oo ka faa’iideysanaya ka bixitaanka ciidamada Itoobiya xalay saqdii dhexe ay halkaasi ka baxeen.

 

 

 

Dadka deegaanka ayaa arkaayay ciidamo ka tirsan Shabaab oo saaka dhexwareegaayay deeganada Ceelgaras iyo Ceel lahelay oo Gobolka Galgaduud ka tirsan, waxaana dadka soo wajahday cabsi ku aadan in ciidamada Itoobiya ay dib usoo noqdaan oo dagaal uu halkaasi ka dhaco.

 

 

 

Ilaa hada lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa ka bixitaanka ciidamada Itoobiya deeganada Ceelgaras iyo Ceel la helay.


10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here