Home Wararka Maanta Waan u jeednay nalalka gawaarida ay wateen Al-Shabaab, waxaan u heysanay beeraleydii”...

Waan u jeednay nalalka gawaarida ay wateen Al-Shabaab, waxaan u heysanay beeraleydii” Mid kamid ah Askartii Ka Badbaaday Weerarkii Buulamareer oo Afka Furtay

0

Qaar kamid ah askarta dhaawacyada ah ee ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, isla-markaana kasoo badbaaday weerarkii Al-Shabaab ee ka dhacay Buulo Mareer ayaa bixiyay xog yaab leh oo ku aadan weerarkaasi.

Askartan oo ku jira isbitaalka xerada Xalane ayaa waxaa booqasho ugu tegay la-taliyaha Madaxweynaha Uganda, ahna wiilkiisa Muhoozi Kainerugaba oo xog wareystay xaaladooda.

Qaar kamid ah askarta ayaa General Muhoozi uga sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, maadaama weerarkaas uu khasaare lixaad leh kasoo gaaray ciidamada Uganda.

Waxa ay sheegeen in saldhigooda ay ku agyaalaan beero, isla-markaana xubnaha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ay u maleynaayeen dad beeraley ah oo falanaya beerahooda, maadaama subax kasta ay beeraleyd ku kaliihi jireen aaga xeeradooda.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay arkayeen nalalka baabuurta Al-Shabaab, balse ay u heysteen cagafta beeralah lagu falo, balse ay mar qura lagu bilaabay rasaas xoogan.

“Waan u jeednay nalalka gawaarida ay wateen Al-Shabaab, waxaan u heysanay beeraleydii oo beerahooda waraabsanaya, cagafta beeralah lagu falo ayaan u maleynay,markii ay hoosta naga soo galeen ayey rasaas billaabatay” ayuu yiri mid ka mid ah askarta.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay la qabsadeen beeraleyda shaqadooda, isla-markaana aysan fileyn weerarka uga yimid dhanka kooxda Al-Shabaab.

Dhankjiisa wiilka Museveni oo dhacdadan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka ku sugnaa xerada ay is dhigteen, taasna sababtay in saldhigga si fudud lagu qabsado.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qalad sameeyeen laba sarkaal oo ciidanka ka mid ahaa, maadaama ay amreen in difaacyada lasoo baneeyo, taas oo fursad kale siisay Al-Shabaab.

Labada sarkaal oo lagu kala magacaabo Oluka iyo Obbomwaa ayaa haatan la xiray, waxaana la saarayaa maxkamad ciidan, si loogula xisaabtamo weerarkii Buulo Mareey.

Ugu dambeyn General Muhooz ayaa xusay inay haatan ugu sii daran tahay, maadaama lagu jiro xilli kala guur ah oo ay weerarada kordhin karto kooxda Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay guud ahaan ciidamada howlgalka ATMIS inay muujiyaan feejigaan dheeri ah.

Si kastaba, weerarkii Buulo Mareer ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inay ku dishay ugu yaraan 137 askari, baske Uganda ayaa qiratay in laga dilay 54 askari oo ku sugnaa xerada.
Ad
Previous articleDad aroos ka yimid oo ku le’day shil uu la galay baskii ay saarnaayeen
Next articleWilliam Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo Ka Horyimid Qorshe ay Soomaliya Wadatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here