Home Wararka Maanta Dad aroos ka yimid oo ku le’day shil uu la galay baskii...

Dad aroos ka yimid oo ku le’day shil uu la galay baskii ay saarnaayeen

0

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 20 kalena waxa ay ku jiraan isbitaal kadib markii uu shil ku galay bas aroos oo ka dhacay gobolka Wine ee Australia.

Rakaabka ayaa ka soo laabtay aroos ka dhacay goob khamriga lagu iibiyo habeenimadii Axada markii darawalkoodu uu ku qaldoomay Wine County Drive oo u dhow Greta ee Hunter Valley, . Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan xaaladihii ka dhashay shilkan.

Darawalkii baska oo ahaa nin 58 jir ah ayaa la xiray. Ku-simaha Taliyaha Bilayska NSW Tracy Chapman ayaa sheegtay in martidan lagu casuumay arooska ay u safrayeen Singleton “dabcan guryahooda”.

Shilkan ayaa dhacay abbaare 23:30 wakhtiga maxaliga ah – basku wuu soo rogmaday isagoo ka leexanaya agagaarka waddo wayn.

Tirada dhimashada ayaa kordhi karta, iyadoo 25 rakaab ah loo qaaday isbitaalka – laba ka mid ah ayaa laga soo qaaday shilka, ayay tiri Ms Chapman.

Waxay intaas ku dartay in basku uu weli dhinac u jiifo, suurta galna ay tahay in ay dad ku hoos jiraan, wiish ayaa la keenayaa goobta si baska kor loogu qaado.

Ad
Previous articleXarunta Afaraad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo lagu Furay Galmudug Si casri ahna Loo Dhisay(Sawiro)
Next articleWaan u jeednay nalalka gawaarida ay wateen Al-Shabaab, waxaan u heysanay beeraleydii” Mid kamid ah Askartii Ka Badbaaday Weerarkii Buulamareer oo Afka Furtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here