Home Wararka caalamka Sheekh Maxamed Saciid Atam oo Laga Qaaday Cunaqabateyntii Saarneyd kadib War kasoo...

Sheekh Maxamed Saciid Atam oo Laga Qaaday Cunaqabateyntii Saarneyd kadib War kasoo baxay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay….

0

War kasoo baxay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in gabi ahaan liiska Cunaqabateynta laga saaray Sheekh Maxamed Saciid Atam.

 

 

 

 

 

 

Sheekh Maxamed Saciid Atam, ayaa waxa uu horay uga tirsanaan jiray Maleeshiyaadka Xagjirka ah ee Alshabaab waxa uuna Wakhtigii dambe isu soo dhiibay Ciidamada DF Somalia.

 

 

 

 

 

 

Dadaalka Liiska Cunaqabateynta looga saaray Sheekh Maxamed Saciid Atam, ayaa waxaa iska kaashaday Madaxda DF Somalia iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo iyagu xaqiijiyay heerka uu Sheekh Atam xiligaani ka joogo naceebka Fikirka Maleeshiyada Alshabaab.

 

 

 

 

 

 

Arrintaani ayaa waxaa ka hadlay Mustaf Dhuxuloow oo ah Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumada Soomaaliya oo la hadlay Warfidiyeenada, ayaa waxa uu sheegay in dowladda ay soo dhaweysay go’aankaan uu gaaray golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

 

 

 

 

 

 

“Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxey soo dhoweyneysaa go’aanka Golaha Ammaanka QM oo ay Sheikh Atom uga saareen liiska cunaqabatenta 1844. Dowladda ayaa la xaajootay QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM si loogu guuleysto in muwaadin Soomaaliyeed oo ka baxay kooxaha argagaxisada isla markaasna nabadda qaatay in laga saaro liiska cunaqabateynta. Tani waa tallaabo weyn oo Atom kaliya ma ahee xitaa dhammaan dadka nabadda jecel ayey guul u tahay. Tani waa habka uu caalamka isku raacsanyahay oo lagu gaari karo nabad”

 

 

 

 

 

 

Wasiir dhuxulow waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay diyaar u tahay in cid walba oo kasoo baxda Al-shabaab, nabadana qaadata ay gacan ka siiso sidii caalamka loogala hadli lahaa.

 

 

 

 

 

 

“DFS waxey gacan nabadeed u fidineysaa dhammaan shaqsiyaadka doonaya inay qoriga dhigaan oo nabada qaataan. Muwaadin kasta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay inay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka, cid ku guuleysan karta ama ujeedooyinkooda ku gaari karta dagaal ma jirto, oo dagaalku waxuu dhaliyaaa dagaal, oo dagaal xal uma noqon karo caqabadaha na heysta. Waxaan rabnaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa dalkooda wax u tara oo anfaca, waxaana dooneynaa inaan dhalinyarada u abuurno fursado shaqo, waxbarasho, xirfado ay ku shaqeystaan, iyo inaan awood u siino sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen siyaasadda iyo inay aayahooda ka tashadaan, Dowladdu waxey sii wadeysaa inay taageerto shaqsiyaadka nabadda qaata oo dagaalada iska daaya, waa dhici kartaa in shaqsiga ay ku adkaato, hase yeeshee cidii qiratay danbigooda waxey helayaan fursad lagula hadlo oo nabadeyntu ay ku hirgasho, haddii kale waddada aan nabada aheyn waa midda dalka ku sii siyaadineysa rabshadaha, Soomaaliya waxaa iska leh Soomaalida doorbida nabadda iyo ka qeybqaadashada dib u dhiska dalka”

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale, Taariikhdu marka ay aheyd 7-da bishii June ee Sanadkaan, ayaa waxaa DF Somalia isku soo dhiibay Sheekh Maxamed Saciid Atam oo sheegay in Maleeshiyada Alshabaab ay si khaldan u adeegsadaan Diinta islamarkaana ka shaqeeyan ciribtirka Bulshada Soomaaliyeed.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here