Home English News Xuseen cabdi xalane oo ka baxay liiska dadka loomaleenayo in ay qabtaan...

Xuseen cabdi xalane oo ka baxay liiska dadka loomaleenayo in ay qabtaan xilka ra.isal wasaaraha cusub ee somalia,,,top news

0
SHARE

Sihayaha Wasiirka Maaliyada ee Dowlada  Somalia Xusein Cabdi Xalane oo asagu ka mid ahaa Siyaasiyiinta lo saadaalinayay in lo magacaabo  Ra”isalwasaaraha Cusub ee Somalia  ayaa hada  rajadiisa hoos u sii dhacday.

 

 

 

 

Siyaasigaan  oo caqabada ugu badan ee haysata ay ka imaanayso Xildhibaanadi taagersanaa Xukuumadii uu ka midka ahaa balse u markii danbe uu ka falaagobay kana qayb qaatay burburinteeda  ayaa  hada ka qustay rajadii badnayd ee uu ka qabay in xilkaas lo magacaabo.

 

 

 

 

Sababaha  Xusein Cabdi Xalane uu ku seegay qabashada xilka Ra”isalwasaaraha cusub ee Somalia ayaa waxaa lagu sheegay 3 arimood.

 

 

 

 

1-In ka badan 100 Xildhibaan oo ka digtay in Xusein lo magacaabo Ra”isalwasaaraha  Somalia ayago ku godiyay in hadi lo magacaabo ay  kalsoonida barlamanka u diidi  doonan.

 

 

 

 

2-Sihayaha Ra”isalwasaaraha  Somalia Abdiweli Sh Axmed oo asaguna wali leh sameyn balaaran oo dhanka barlamanka ah oo asagana ka digay in shaqsigii burburiyay Xukuumadiisa lagu abaal mariyo in laga dhigo   Ra”isalwasaaraha  Somalia.

 

3-Madaxweynaha  Puntland  Cabdiweli Cali Gaas oo asaguna ka mid ah Madaxda miisanka ku leh wadanka Somalia oo asaguna sheegay in maamulkiisu usan la shaqayn doonin Xusein Cabdi Xalane hadi lo magacaabo  Ra”isalwasaaraha  Somalia.

 

 

 

 

Kadib markii  ay soo baxday sadexdaas  Mucaradad  ee aan la dhayalsan karin ayaa waxaa labo u kala jabay  kooxda Damujadiid ee ayagu waday in Xusein Cabdi Xalane laga dhigo Ra”isalwasaaraha  Somalia .

 

 

 

 

Fahad Yaasin iyo Team u hogaaminayo  waxaay go,ansaden in laga tanaasulo Xusein Cabdi Xalane  badalkiisana la keeno Aqonyahan Axmed Ciise Cawad oo ka soo jeeda Puntland  halka Farax Cabdiqadir iyo Team u hogaaminayo  ay wali ku adkaysanayaan in Xalane  la dhaafin jagada Ra”isalwasaaraha Somalia.

 

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Cabdikariin Gulled ayaa ayagana  ku gudajira  kala xulashada xubno kale balse wararki ugu danbeyay ee Warbaahinta ay ka helayso Muqdîsho waxaay tibaxayaan in Ra”isalwasaaraha Cusub ee Somalia u ka iman doono dhanka Puntland ayado Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Cabdikariin Gulled ay qaban  in aan hal meel lagu dhagnaan lona bahan yahay  Ra”isalwasaare heli kara kalsoonida Barlamanka Somalia .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here