Home Wararka Maanta Trump oo Lacag dhan 475 Milyan ka dalbaday Talafashinka CNN uu dhawaan...

Trump oo Lacag dhan 475 Milyan ka dalbaday Talafashinka CNN uu dhawaan Dacwad ka gudbiyay

0

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa dacwad xasaasi ah ka gudbiyay telefishinka caanka ah ee CNN, waxa uuna Trump dalbaday in la siiyo lacag aad u tiro badan oo magdhaw ah.

Donald Trump ayaa ku eedeeyay telishinka CNN in ay wax u dhimay sumcadiisa kuna been abuurtay , waxaana dacwad loo gudbiyay maxkamad kutaalla Florida lagu xusay in telfishinkan CNN la barbar dhigay hoggaamiyihii Naaziga Jarmalka Adolf Hitler .

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka dalbaday telefishinka CNN in uu bixiyo lacag dhan 475 Milyan oo doollar oo magdhaw ah, sida lagu sheegay warbixin loo gudbiyay maxkamada Florida.

“Marka laga soo tago si fudud u muujinta macluumaad kasta oo taban oo ku saabsan dacwoodaha iyo iska indho-tirka dhammaan macluumaadka wanaagsan ee isaga ku saabsan, CNN waxay isku dayday inay isticmaasho saameynteeda weyn, oo loo maleynayo inay tahay ‘ilo wareed’ oo lagu kalsoon yahay, si ay u ceebayso dacwoodaha maskaxda daawadayaasheeda iyo akhristayaasha. ujeedadii laga lahaa in isaga looga adkaado siyaasad ahaan,” ayaa lagu yiri warbixinta .

Dacwadda loo gudbiyay maxkamad ku taalla Florida, ayaa lagu sheegay inay jirto walaac ah in sumcad dil kale lagu sameeyo Donald Trump oo markale sannadka 2024-ka u tartamaya doorashada madaxweynaha Mareykanka.

Ad
Previous articleSharciga Cusub ee Shaqaalaha oo Sweden ka bilowday ”Shaqada oo joogta ku noqoneysa 12 Bilood”
Next articleWeerar laga cabsi qabo in lagu qaado Garoonka Aadan Cadde oo digniin laga soo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here