Home Wararka Somaliya Puntland Mucaaradka Puntland oo si wayn kaga soo horjeestay talaabadii uu qaaday Deni...

Mucaaradka Puntland oo si wayn kaga soo horjeestay talaabadii uu qaaday Deni iyo kooxdiisa

0

Mucaaradka Puntland ayaa ka soo horjeestay tallaabadii uu maanta baarlamanka maamulkaasi ugu codeeyey kuna ansixiyey wax ka beddalka dastuurka dowlad goboleedka Puntland oo muran badan uu ka taagnaa.

Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyinta sida weyn u diidan qorshaha doorashooyinka ee Saciid Deni oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in talaabadan ay lama filaan ku noqotay, ayna soo baxday xilli ay isimadu wadeen dhexdhexaadin.

Waxaa uu intaas ku daray in jawaab laga sugayo odayaasha dhaqanka ee Puntland oo iyagu horey Deni ugala balamay in la joojiyo ansixinta wax ka bedelka dastuurka inta xaal laga gaarayo xiisada ka dhalatay arrintaas.

“Falkii sharciga iyo Dastuurka baalmarsanaa ee ay maanta ku dhaqaaqeen Baarlamaanku ee uu Mas’uulka ka ahaa Madaxweynaha shanta bilood ay u hartay waxay la mid tahay wixii ay sameeyeen Baarlamaankii 10-aad ee Dowladda Federaalka Soomaliaya ee Farmaajo Labada Sano ugu daray” ayuu yiri Xassan Shire Abgaal.

Ad
Previous articleCiidanka Dowladda oo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan Ajaaniib
Next articleRuushka oo ka war helay in Ukraine ay taangiyadeeda ku shubto shidaalka Ruushka & Dalal ka caawiya oo la xusay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here