Home Wararka Maanta Ciidanka Dowladda oo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab ay ku...

Ciidanka Dowladda oo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan Ajaaniib

0

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka sameeyeen deegaano dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool ,waxa ay ku dileen dagaalyahanno badan oo katirsan kooxda Al Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Waajib Maxamed Macalin Yuusuf oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 25-dagaalyahan oo katirsanaa Al Shabaab, kuwaa uu sheegay in ay maleegayeen dhibaatooyin shacabka ka dhan ah.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha degmada Waajid in dadka lagu dilay howlgalka ka dhacay duleedka Waajid ay ku jiraan shan nin oo ajaaniib ah, kuwaa uu tilmaamay in ay dhibaato ku hayeen shacabka deegaanka.

Ciidanka dowladda ayaa howlgalo ka fuliya deegaanno katirsan gobolka Bakool ay ku xoogan yihiin Al Shabaab , waxaana howlgaladaasi mararka qaar waxyeelo lagu gaarsiiyaa dagaalyahnno katirsan kooxda Al Shabaab .

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo 24saac kadib Ka Hadashay Qarixii lagu laayay Ciidamada 14ka oktoober sheegtayna cida ka danbaysay
Next articleMucaaradka Puntland oo si wayn kaga soo horjeestay talaabadii uu qaaday Deni iyo kooxdiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here