Home Wararka Maanta Ruushka oo ka war helay in Ukraine ay taangiyadeeda ku shubto shidaalka...

Ruushka oo ka war helay in Ukraine ay taangiyadeeda ku shubto shidaalka Ruushka & Dalal ka caawiya oo la xusay

0

Ukraine ayaa waxay isticmaashaa saliida Ruushka lagu sifeeyey ee Hungary iyo Turkiye si ay ugu shubto taangiyada ay bixiyaan reer Galbeedka iyo matooradda naaftada ah, sida uu qorayo wargayska Jarmanka ee Handelsblatt oo uu soo xiganayo RT oo ay leedahay Dowladda Ruushku.

Shirkadda wayn ee saliidda iyo gaaska ee MOL ee dalka Hungary ayaa “laba jibaartey iibkeeda Ukraine lixdii bilood ee lasoo dhaafay,” sida uu xusay maalinlahan ganacsiga wax ka qora, isagoo xiganaya saraakiisha canshuuraha Ukraine.

“Maadaama ay MOL hesho qayb wayn oo saliid ah oo ka timid Ruushka, mashiinka dagaalka ee Ukraine ayaa hadda lagu shidaa,” ayuu Handelsblatt maqaalka kusoo gabagabeeyey.

In kasta oo Hungary ay xubin ka tahay Midowga Yurub, Budapest waxay xaqiijisay in loo sameeyo dhaafis gaar ah oo ku saabsan soo degsiga saliidda cayriin ee Ruushka iyadoo loo marinayo dhuumaha saliidda.

Tiiyoo aanay wax saamayn ah ku yeelan cunaqabataynta Galbeedka ee ka dhanka ah Moscow, MOL waxay Kiev saliidda ku siin kartaa qiimo hoose dhanka badeecada batroolka la sifeeyey marka loo eego shirkado badan oo EU-da ah, kuwaasoo lumiyey saamigii suuqa dagaalka Ukraine dartii, sida laga soo xigtey warqaadkan jarmanka.

Kahor colaadaha hadda jira, Ukraine waxay awoodey inay daboosho qiyaastii 30% baahiyaha gudaha wershadda saliidda sifeeysa ee Kremenchug ee Gobolka Poltava, taasoo ku tiirsanayd saliidda ceeriin ee laga keeno Azerbaijan

Waxaa lagusoo warramay inay “si ba’an u waxyeelleeyeen” weerarrada gantaallada Ruushka ee halkaa lagu qaaday Abriil 2022-kii, waxayna ku guulaysatey iminka inay soo celiso qayb xaddidan oo ka mid ah awooddeedii wax soo saar.

Dalalka kale ee shidaalka siiya Ukraine waxaa ka mid ah Poland, Slovakia iyo Romania oo saliidda u mariya khadadka tareennada si loogu habo tawaangida iyo gaadiidka shidaal cunka badan ee ay Galbeedku siiyeen dalkaasi.

Ad
Previous articleMucaaradka Puntland oo si wayn kaga soo horjeestay talaabadii uu qaaday Deni iyo kooxdiisa
Next articleWasiirad Abena Dapaah Oo Loo Xirey Kadib Markii Gurigeeda Laga Xaday Lacag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here