Home Wararka Maanta Yusuf Dabageed oo shaaciyey in guulaha laga gaaray Shabaab aysan aheyn sida...

Yusuf Dabageed oo shaaciyey in guulaha laga gaaray Shabaab aysan aheyn sida la moodo

0

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo ka mid ahaa hoggaamiyaasha halgankii kooxda Al-Shabaab looga xoreeyey gobolka Hiiraan ayaa galabta soo gaaray Muqdisho.

Yuusuf Dabageed oo warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in sida dadka qaar ay la tahay aan Al-Shabaab weli laga gaarin guul weyn, maadaama aan weli laga xoreyn dalka, islamarkaana ay reer HirShabeelle labo un mid u furan tahay.

“Labo mid ayaa noo furan, anaga oo dagaal ku jirna oo difaacayna dalkeenna in aan dhimano iyo anaga oo sharaf leh oo Hirshabeelle ku xaragoonayna in aan noolaano, wax aan ka heyn labadaas nooma fura,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay weeraradii u dambeeyey ee Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha HirShabeelle.

“Weerarro ayaan weli nagu socda, meelaha ay HirShabeelle uga dambeeyaan iyo dhinaca Galmudug ayey naga soo weeraraan markasta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in meel kasta oo kooxdaan ay dalka ka joogto ay isku mid tahay, maadaama mar kasta ay dad Soomaaliyeed un dilayaan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele oo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa Hiiraan, isla markaana door weyn ka qaatay dagaalka Al-Shabaab eek a socda gobolkaas Hiiraan.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa isna ku sugan Muqdisho, waxaana xusid mudan in gaabis uu ku yimid howlgalkii ka socday gobolkaas, inkastoo Al-Shabaab laga xoreeyey bariga Hiiraan, hadana waxay ku sugan yihiin galbeedka gobolkaas.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleGudoomiye Shiikh Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay siyaasiyiin Kasoo Horjeeda Laftagareen (Sawirro)
Next articleInjineero Lagu Dilay Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Waqooyi Bari Kenya