Home Wararka Maanta Yaa Lagu Eedeeyay Dagaalkii Maanta ka dhacay Duleedka Degmada Kaaraan

Yaa Lagu Eedeeyay Dagaalkii Maanta ka dhacay Duleedka Degmada Kaaraan

0

Guddoomiyaha Maamulka degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir Ciise Maxamuud Xasan ayaa sheegay in Ciidamo ka amarqaata Taliyaha Guutada Afaraad ee Ciidanka xoogga dalka Korneyl Saneey Cabdulle ay soo weerareen waax kamid ah waaxyaha degmada Kaaraan

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay degmada Kaaraan wuxuu sheegay in Ciidamada Millateriga ay boob ku hayaan dhulka degmada iyo Kaawooyinka ,isla markaana ay ka codsanayaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya in arrintaasi uu wax ka qabto.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka uu saameeyay Xaafadaha Wajeer iyo Faanoole, dad badan ay barakaceen , sidoo kale uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka ka dhashay.

Saacadihii hore ee saaka ayaa dagaalka waxaa uu ka billowday duleedka  Bari ee degmada Kaaraan, waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen in uu u dhaxeeyay Ciidamo ay kala hoggaaminayaan Korneyl Saneey Cabdulle iyo Ismaaciil Xaadoole oo labaduba ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya.

Ad
Previous articleXal laga gaaray Gadood ay Sameeyeen Ciidanka Daraawiishta Galmudug ee Gaalkacyo ku sugan
Next articleC C Warsame ” waa in Taalo Naloo dhiisaa Hadii Lagu Guulaysto Kiiska Badda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here