Home Wararka Caalamka yaa Hogaamin Doonaa Iiraan Kadib Geerida Madaxweynahoode oo goordhow lagu dhawaaqay

yaa Hogaamin Doonaa Iiraan Kadib Geerida Madaxweynahoode oo goordhow lagu dhawaaqay

0

Dowlada Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida Madaxweynihii dalkaas xukumayay tan iyo sanadkii 2021kii Ebrahim Raisi, waxaa haatan soconaya sidii hogaanka dalkaasi loo buuxin lahaa.

Dastuurka Iran waxa uu qorayaa in haddii uu geeriyoodo madaxweynaha,inuu madaxweyne ku xigeenka koowaad uu la wareego talada dalka, isagoo oggolaansho ka helaya hoggaamiyaha sare ee dalka.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad Mohammad Mokhber ayaa xilkan qabanaya  haddii hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran Ayatullah Ali Khamenei uu oggolaado.

Sidoo kale, dastuurku wuxuu farayaa saddexda hoggaamiye ee waaxyaha dawladda   madaxweyne ku xigeenka, afhayeenka baarlamaanka iyo madaxa garsoorka  inay diyaariyaan doorasho lagu dooranayo hoggaamiye cusub muddo 50 maalmood gudahooda marka uu madaxweyne ku-xigeenku qabto doorka ku simaha madaxweynaha.

Taariikh Kooban oo ah Ebrahim Raisi.

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi waxa uu dhashay 1960-kii, waxa uu wax ku bartay  magaalada Qom, waxa uuna shahaadada Ph.D ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Shahid Motahari.

Waxa uu shaqadiisa  xeer ilaaliyanimada bilaabay horraantii 1980-meeyadii, waxaanu ka soo noqday Xeer Ilaaliyaha guud ee Tehran 1994-tii ilaa 2019-kii.

Laga bilaabo 2019kii waxa uu ahaa madaxa cadaalada ee dalka muddo labo sanadood ah.

Raisi waxa uu noqday madaxweynaha Iran June 19, 2021, ka dib markii uu ku guulaystay doorasho madaxtinimo oo aan taariikhiyan loo tartamo.

Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Raisi bishii Noofambar 2019.

Bishii Juun 2021, waxa uu la tartamay madaxweynihii isaga ka horreeyay, Xasan Ruuxaani, oo qunyar socod ah, wuxuuna ku guuleystay 18 milyan oo ka mid ah ku dhawaad ​​29 milyan oo cod oo la dhiibtay.

Caleemo-saarkiisa ayaa loo arkayay in uu bilaabmayo waa cusub oo ka adag, kaas oo muujin kara isbeddello waaweyn oo ku yimid siyaasadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee gudaha iyo dibadda.

Raisi ayaa muddo dheer ka soo horjeeday la macaamilka reer galbeedka, wuxuuna saaxiib dhow la  ahaa hogaamiyaha sare ee Ayatollah Seyyed Ali Hosseini Khamenei.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Madaxweynaha Iran iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda oo la xaqiijiyay inay dhinteen
Next articleWasiirka Amniga Soomaaliya oo Xariga Ka Jaray Saldhig laga dhisay Dhuusamreeb(Sawiro)