Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni ayaa markii u horeysay ku dhowaaqday go’aan ka gedisan kuwii dhawaan kasoo baxay Isimada dhaqanka SSC ee ku shaaciyeen in aysan qayb ka noqon doonin doorashada maamulkaas, ayna isaga baxeen.
“Kala bixidda labada dhinac ayaa waxaa loo mari doona hannaan waafaqsan sharciga iyo nidaamka, taasi oo aan hal maalin ku dhammaan karin,” ayuu yiri Wasiirka Caddaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed.
“Rabitaanka dadka SSC iyo nidaamka dastuuriga ah ayaa la is waafajinaya. 17-ka xildhibaan waa la soo xulaya, garaadada laftooda soo xulaya ama cuqaasha soo xulaysa, habraacii loo mari jiray ayaana loo maraya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka.
Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan ka qayb-geli doonin doorashada ka dhaceysa Puntland, iyagoo sheegay in aysan soo xuli doonin 17-kii xildhibaan ee ay horay ugu lahaayeen.
“Waxaanu goosanay in 17-ka xildhibaan aan la qorin oo aynan ka qayb-gelin doorashada Puntland ka dhaceysa,” ayaa lagu yiri bayaanka SSC-Khaatumo.