Home Wararka Maanta Booliska Soomaaliya oobGo,aan kasoo saaray Arin ay Dadka Muqdisho ka Caroodeen

Booliska Soomaaliya oobGo,aan kasoo saaray Arin ay Dadka Muqdisho ka Caroodeen

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray arrin ay si weyn uga caroodeen qaar kamid ah dadweynaha Muqdisho, taasi oo aheyd in la mamnuucay indha-shareerka iyo cimaamadaha.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa gebi ahaanba beeniyay in la mamnuucay indha-shareerka iyo cimaamadaha ragga gashtaan, isaga oo ku tilmaamay “dacaayado cadowga ka dambeeyo”.

“Majiro go’aan Amni oo lagu mamnuucayo ama wax lagu yeelayo calaamadaha Dimeed iyo kuwa dhagan ee Bulshada Soomaaliyeed,” ayuu Taliye Mahad ku yiri qoraal uu soo saaray.

“Waa dacaayad cadawgu ka danbeeyo wararka la xiriira arintaas waana in aan lagu kadsoomin. Ciidanka Amnigu waxa ay u taagan yihiin ilaalinta Diinta

Sharafta iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday dadweynaha Muqdisho inay Taliska kusoo wargeliyaan haddii lagula kaco tacaddiyo noocaas ah, “Cidii la kulantay tacaddi nuucaas ah hala soo xiriirto xafiiska cabashada iyaga oo wacaya 991. Mahadsanidiin.”

Qoraalka Booliska ayaa imanaya ka gadaal 24-kii saac ee lasoo dhaafay markii waddooyinka magaalada lagu arkayay ciidamada oo qaadaya tallaabooyin ka dhan indho-shareerka iyo sidoo kale ragga wata cimaamadaha.

Waxaa markaas warbaahinta gudaha kasoo muuqday dadweyne ka cabanaya arrinkaas, ayada oo mid kamid ah odayaasha ku dhaqan Muqdisho oo markaas ka hadlay arrintaan uu sheegay inay soo dhaweynayaan in la baaro, balse ay kasoo horjeedaan in laga qaado cimaamadaha.

“Sababta aan go’aankan u diidaayo waxaa waayey cimaamada ninka odeyga ah waa sharaftiisa, waa qiimahiisa cimaamad la’aan nin waayeel ah kuma fiicno,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Baaritaan waa caadi dadkaan waa isku dhex jiraan dhibkooda waa is dhex yaallaa sumad kuuma saarna, laakiin ninkaan tusbixiisa iyo cimaamadiisa wata dhig dhibaato waayay.”

Sidoo kale, gabdhaha isticmaala indho-shareerka ee ku dhaqan gudaha caasimada oo ka hadlay saameynta arrintaan, ayaa markaas dalbatay in wax laga qabto dhaqanka cusub ee ciidanka kusoo kordhiyeen caasimada.

“Dowladda waxaan baaq u dirayaaa in gabdhaha ay indho-shareerka loo daayo,” ayay tiri mid kamid ah gabdhaha ku dhaqan magaalada Muqdisho oo la hadashay Dalsan TV.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo ay joogto u sameeyaan ciidamada amniga, taasi oo keentay inay yaraadaan qaraxyadii iyo falalkii amni darro ee ka dhici jiray caasimada Soomaaliya.

Ad
Previous articleDowlada soomaaliya oo Ka Hadashay Dagaalkii Qaraaraa ee Shalay ka Dhacay Duleedka Caad
Next articleXukuumadda Madaxweyne Saciid Deni oo markii u horeysay ku dhowaaqday go’aan ka gedisan kuwii dhawaan kasoo baxay Isimada dhaqanka SSC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here