Home Wararka Maanta Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo Israa’iil oo ay ka dhex tolantay

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo Israa’iil oo ay ka dhex tolantay

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Cohen, waxa uu baraha bulshada kaga dhawaaqay in aanu la kulmi doonin kulan la qorsheeyay oo uu la yeelan lahaa madaxa Qaramada Midoobay.

Joojinta kulanka ayaa timid ka dib markii Xoghayaha Qaramada Midoobey Antonio Guterres uu sheegay in weeraradii 7-dii Oktoobar ee Xamaas aysan “iska dhicin” falastiiniyiintana “waxaa lagu hayey 56 sano oo caburin ah”. Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay “xadgudubyada cad ee ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada” ee Israel.

Cohen ayaa ku soo qoray bartiisa X/Twitter: “Lama kulmi doono Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Xasuuqii 7-dii October ka dib, ma jirto meel loo wajaho hab dheeli tiran. Xamaas waa in laga tirtiraa wejiga dhulka!”

Hadalka Cohen ayaa imaanaya kadib Danjiraha Israa’iil oo ugu baaqay Antonio Guterres inuu is casilo.

Ad
Previous articleShir Xasaasi ahaa oo loga Hadlay Amniga Caasimada oo Muqdisho lagu Qabtay
Next articleObama oo Israa’iil uga digay inaysan samayn qalad la mid ah kii Maraykanku sameeyay dhacdadii 9/11

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here