Home Wararka Maanta Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga naxay duqeymaha dugsiyada...

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga naxay duqeymaha dugsiyada waxbarashad QM

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga naxay in laba iskuul oo Qaramada Midoobay leedahay lagu weeraray in ka yar 24 saac gudahood magaalada Qaza.

“Tobaneeyo qof – dumar iyo carruur badan – ayaa la dilay oo la dhaawacay iyagoo ammaan u raadsanaya xarumaha Qaramada Midoobay,” Guterres ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

“Boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa gabaad ka raadsanaya xarumaha Qaramada Midoobay ee Qaza oo dhan sababtoo ah dagaalka sii xoogeysanaya. Waxaan mar kale xaqiijinayaa in dhismahayaga uu yahay lama taabtaan.”

Wuxuu intaas ku daray in dagaalku uu leeyahay “tiro la yaab leh oo aan la aqbali karin” oo dad rayid ah ku waxyeeloobay, wuxuuna ku celiyay baaqiisa ku aaddan xabbad-joojin bini’aadannimo oo degdeg ah.

Ad
Previous articleLafta-gareen Wasiirka Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.
Next articleDab Markale ka kacay Suuqa Xamar weyne oo Dhawaan Dad Badan ku Hanti Beeleen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here