Home Wararka Maanta Xog: Kooxda Farmaajo oo Wada Qorshe Madaxda Hawiye aysan Uģu tartamin Musharax...

Xog: Kooxda Farmaajo oo Wada Qorshe Madaxda Hawiye aysan Uģu tartamin Musharax Madaxweyne

0

Faarax Cabdi Diini oo ka mid ah xildhibaanada dhalinyarada ah ee sanadkaan ku soo biiray baarlamaanka ayaa sheegay inuu u tartamo xilka  guddoomiyaha golaha shacabka, sida uu kasoo xigtay taleefishinka Somali Cable.

Faarax oo ka soo jeeda beesha Duduble, ayaa ka mid ahaa xildhibanadii lagu doortay magaalada Dhuusamareeb, waxayna qaraabo dhow yihiin madaxa Shirkadda Hormuud.

Ninkaan oo siyaasadda ka soo galay dhanka NISA, kuna dhow Fahad Yaasiin, ayaa mar soo noqday Taliyaha Nabad sugidda ee dekedda Muqdisho, sidoo kale hada waxuu ku magacaaban yahay guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Sida lagu baahiyey xogtaan, Faraax waxay saaxiibo dhow yihiin Fahad Yaasiin iyo Farmaajo oo gadaal ka riixaya qorshaha loogu soo sharaxayo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomalaiya.

“Xildhibaan Faarax Cabdi Diini oo olole xoogan ugu jira gursiga guddoomiyaha golaha shacabka, waxaan ka soo xiganay markaan eegay saami qeybsiga siyaasadda Soomaaliya, waxaan go’aansaday in aan isbedel ku sameeyo hanaanka ay Soomaalidu wax ku qeysato, waxaana go’aan ku gaaray, in xilka guddoomiyaha golaha shacabka aan isku soo taago,” ayaa lagu yiri xogta uu baahiyey TV-ga Somali Cable.

Markii la weydiyey sababta uu xilkaan u doonayo Faarax, waxaa lagu sheegay warbixintaan inuu ku dooday in doorka dhalinyarada ee golaha shacabka uu yahay ‘mid ay muhiim tahay in la xoojiyo.’

Horay waxaa u jiray warar sheegayey in Farmaajo iyo kooxdiisa ay qorsheynayaan in saami qeybsiga xafiisyada sare ee dowladda dhexe ay u kala wareejiyaan beelaha afarta ah, gaar ahaan xilalka kala ah, guddoomiyaha baarlamaanka, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Inkastoo aan la ogeyn sida ay ugu suura-geli karto arrintaas, hadana waxaa la sheegay in qorshahaas ay danahooda siyaasadeed ka dhex arkayaan.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleHirshabeele oo Caawa Shaacisay odayaaasha soo Xulaaya ergada Dooranaysa 3 kursi
Next articleSweden oo laga Maqlay Codka Digniinta ee Qataraha Dagaalka