Home Wararka Somaliya Galmudug Xog cusub oo kasoo Korartay gabadhii Itoobiyaanka ahayd ee lagu dilay...

Xog cusub oo kasoo Korartay gabadhii Itoobiyaanka ahayd ee lagu dilay Dhuusamareeb

0

Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu aasay gabar dhalinyaro aheyd oo u dhalatay dalka Itoobiya, oo habeen hore lagu dilay.

Gabadhaan oo ka soo jeeday qowmiyadda Oromada ayaa waxaa dilay nin ka tirsan qoys ay shaqaale u ahayd, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen laamaha amniga degmada.

Goobta uu falkaan ka dhacay ayaa aheyd xaafadda Waxar-cadde ee magaalada Dhuusamareeb, taasi oo ay deganaayeen qoyska ay u shaqeynaysay gabadha la dilay.

“Gabadha markii tooreeyda lagu dhuftay xataa dhaawac ma noqno oo istbitaal lama gayn laakin horey ayay ka dhimatay,” ayuu yiri taliyaha saldhiga booliska ee magaalada Dhuusamareeb Nuur Cilmi oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas kusii daray “Ma jirin muran dhex maray wiilka iyo gabdha oo qoyeska u shaqeeynaysay, baaritaankii wali waa socada.”

Sababta keentay dilka ayaa illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn, ayada oo booliska uu sheegay in ninka dilka geystay uu mararka qaar xanuunka (jiro maskaxeed) uu kusoo kaco.

Dhinaca kale, Qoyska ninka la sheegay inuu dilka geystay ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen falka uu ku kacay wiilkoodu, iyaga oo ka gaabsaday in ay si faah-faahsan uga hadlaan sida wax u dhaceen.

“Waan ka wal-walsanahay,” ayey sidoo kale yiraahdan, iyaga oo xaqiijiyay in iyaga iyo qoyska gabadha la dilay ay isku afgarteen in la aaso, sidaasna lagu aasay marxuumada.

Dhacdadaan ayaa argagax ku reebtay shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb oo si weyn uga naxay, ayada oo sidoo kalena falkaadi aad looga hadal haayo baraha bulshada Soomaalida

Ad
Previous articleMaraykanka oo Markale Tageero Xoogan u Muujiyay Soomaaliya Kana Horyimid Damaca Itoobiya
Next articleXasan Shiikh oo luuqad adag kula hadlay Itoobiya, kuna baaqay dagaalka difaaca dalka, isagoo yiri “Ethiopia waa cadowga labaad ee Soomaaliya, marka laga imaado Al-Shabaab”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here