Home Wararka Maanta Xildhibaano Hor leh oo Maantay Qaatay Shahaadada(akhriso+Sawiro)

Xildhibaano Hor leh oo Maantay Qaatay Shahaadada(akhriso+Sawiro)

0

Guddiga doorashada heer federaal ayaa wali wada bixinta shahaadada xildhibaanimo ee la siinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ee lagu soo doortay dowlad goboleedyada iyo Muqdisho.

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ee ku maqnaa dalka dibaddiisa iyo qaar kamid ah gobolada dalka ayaa soo gaaraya magaalada Muqdisho, kuwaa oo qaadanaya shahaadada Xildhibaanimo.

Waxaa saakay shahaadada xildhibaanimo qaatay ilaa saddex Xildhibaan, waxaana wali xarunta guddiga doorashada ku shaqeenayo ka socotada bixinta shahaadada, waxaana tirada guud ee xildhibaanada qaatay shahaadada ka badan yihiin 160-Xildhibaan.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed lagu soo doortay ayaa weli diidan in ay qaataan shahaadada Xildhibaanimo, waxa ayna xildhibaanadaasi marka laga reebo saddex xildhibaan u hoggaansameen ammarka Laftagareen oo ah in aysan shahaado qaadan.

Halkan ka akhriso magacyada xildhibaanada saakay qaatay shahaadada

1. Farhan Ali Mohamoud AS#10
2. Abdirisaq Mohamed Osman AS#03
3. Zahra Abdulahe Igal (Bundubte) GSH#094
Ad
Previous articleWaasarada Maalyada Oo Dacwad ka Gudbisay Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta
Next articleMidowga Afrika oo kahor yimid Go’aankii Ra’isul Wasaare Rooble dalka uga eryay Madeira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here