Home Wararka Caalamka Xisbullah oo garaacday fariisimo milateriga Israa’iil, maxaa gaaray?

Xisbullah oo garaacday fariisimo milateriga Israa’iil, maxaa gaaray?

0

Jabhadda Xisbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay in weerar ay u adeegsadeen raxan dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ay ku qaadeen bartilmaameedyo milateriga Israa’iil ay ku leeyihiin waqooyiga Israa’iil.

XIsbullah ayaa soo saartay hadal qoraal ah oo ay ku sheegtay inay qaadday weerarradaas ay ku bartilmaameedsatay xarumaha guutada Golani iyo qaybta Egoz ee 621 oo ku yaalla xaryaha Shraga ee waqooyiga Acre, oo ku taalla waqooyiga Israa’iil.

Sida lagu sheegay qoraalka “Dayaaradahaas waxay toos ugu dheceen bartilmaameedyadooda”.

Ambalasyada Israa’iil ayaa sheegay inay la tacaaleen labo qof oo dhaawacyo so gaareen, galbeedka gobolka Galilee, kuwaasoo xaaladoodu aad u liidato.

Wargayska Israa’iil ka soo baxa ee Israel Hayom wuxuu sheegay in duqayn ka timid dhinaca Lubnaan lagu bartilmaameedsaday aaggaas, wuxuuna intaa ku daray in tas-hiilaadka milateriga ee u dhaxeeya Acre iyo Nahariya ayagana la duqeeyey.

Dhawaqa codka dheer ayaa laga maqlay magaalooyinka Acre iyo Nahariya iyo deegaannada ku xeeran ee waqooyiga Israa’iil, waxaana cabsi ay ay ka jirtaa daroonnada iyo sawaariikhda dhinaca Lubnaan ka imaanaya.

“Tani ma aha mid loogu aargudayo taliyihii Xisbullah Fu’aad Shukri ee lagu dilay Beirut todobaadkii hore” mid ka mid ah ilaha arrintan u dhuundaloola ayaa sidaa u sheegay wakaaladda Reuters. Hore ayey Xisbullah ugu hanjabeen in ay u aargudi doonaan sarkaalkaas.

Hadalka ka soo baxay Xisbullah wuxuu sheegay in hawlgalku uu qayb ka yahay taageerada loo fidinayo Falastiiniyiinta Qasa. “Waxaa looga jawaabayaa weerarrada iyo dilalka ka dhacay magaalada Aba Isniintii” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalkii ugu horreeyey ee ay weerarka ka soo saareen ayaa milateriga Israa’iil waxay ku sheegeen in dhowr waxyaabood oo la garan waayey ay ka soo gudbeen dhinaca Lubnaan, ayadoo mid ka mid ah uu ku dhacay Nahariya, dhowr qofna uu halkaa ku dhaawacay.

Wiishashka digniinta bixiya ayaa dhawaaqooda la maqlay markii sawaariikhdaas ay soo socdeen ayadoo cabsi ay ka dhalatay burburka ka soo daadanaya marka hawada lagu qarxiyo, laakin milateriga Israa’iil wuxuu sheegay in dhawaaqii la maqlay 12:56 uu ahaa mid been ah.

Ilaa lix qof ayaa isbitaalka la dhigay ka dib weerarradii drone-ka ee waqooyiga Israa’iil, afar ka mid ah waxaa galay firir sida wargeyska the Times of Israel uu qoray.

Professor Mas’ad Barhoum, agaasimaha xarunta caafimaadka Galilee ee Nahariya wuxuu u sheegay Channel 12 News in isbitaalka uu daweynayo lix qof oo mid ka mid ah uu dhaawiciisu aad u daran yahay.

Wuxuu intaa ku daray seddex kale ay qabaan dhaawacyo fudud, halka laba kalena laga daweynayo dhaawacyo si nafsi ahaan ah u gaaray.

Qof goobjooge ah wuxuu sheegay in mid ka mid ah dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ay ku dhacday waddo, magaalada waqooyiga ku taalla ee marzaa, wuxuuna sheegay in si dirqi ah uu uga badbaaday, maadaama uu dhulka isku tuuray, taasna ay ka badbaadisay firirkii duulayey ee ay dadku ku dhaawacmeen.

The Times of Israel wuxuu soo xigtay nin idaacad maxalli ah u warramay oo sheegay in markii uu maqlay dhawaqa digniinta ah uu dhulka isku tuuray, ka dibna ay drone dushiisa soo martay, dabadeedna uu qarax weyn xigay, firirna uu dushiisa maray.

“Waxaan u badbaaday oo kaliya maadaama aan dhulka isku tuuray, mucjiso ayey ahayd. Weligey ma arag tanoo kale” ayuu yiri qofkaas goobjoogaha ah.

Milateriga Israa’iil waxay sheegeen inay adeegsadeen dayaaradaha dagaalka si ay u weeraraan wax ay ku tilmaameen dhisme milateri oo xisbullah ay isticmaaleysay oo ku yaalla magaalada Meifdoun ee koofurta Lubnaan

Ciidanka Israa’iil ayaa shaaciyey muuqaal cirka laga qaaday oo ku saabsan weerarka Meifdoum, magaaladaas oo qiyaastii 30 KM u jirta xuduudda koofurta Lubnaan.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan waxay sheegtay in shan qof lagu dilay weerarka Israa’iil, kaasoo lagu duqeeyey guri sida la sheegay ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan xisbullah.

Ad
Previous articleGaadiid Qaraxyo Sida oo lasoo Galiyay magaalada muqdisho iyo Digniina Culus oo Lasoo diray
Next articleTurkiga iyo Masar oo sheegay in ay isku raaceen ilaalinta madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya