Home Wararka Caalamka Xisbiga Dimoqraadiga oo guulo kasoo Hooyay Doorashada Mareykanka

Xisbiga Dimoqraadiga oo guulo kasoo Hooyay Doorashada Mareykanka

0

Hogaanka Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaan weli kala caddeyn cida hanan doonta, inkastoo Dimoqraadiga ay muujiyeen awood aan la fileyn kadib markii ay Jamhuuriyiinta kaga adkaadeen tartano dhowr ah oo aad la isugu dhowaa.

Awoodda Dimoqraadiga ayaa meesha ka saartay cabsidii laga qabay in sicir-bararka sare ee dalka ka jira iyo heerka hoose ee ansixinta shacabka ee shaqada madaxweyne Joe Biden ay la degi doonaan xisbiga.

Warkii ugu wanaagsanaa ee Dimoqraadiga u soo yeeray ayaa ahaa in John Fetterman uu ku guuleystay kursi Senate oo horey ay ugu fadhiyeen Jamhuuriga, kaasoo muhiim u ah rajada xisbiga ee ah inuu sii haysto maamulka Aqalka Senate-ka.

Waxaan weli caddeyn cidda ku guuleysan doonta kuraasta Senate-ka ee gobollada Wisconsin, Nevada, Georgia iyo Arizona kuwaasoo go’aamin kara cidda heli doonta aqalabiyadda.

Aqalka Wakiilada-na, Dimoqraadiga ayaa ceshtay kuraasta degmooyin kasoo billowda Virginia illaa Kansas illaa Rhode Island, halka kuwa ka mid ah gobollada New York iyo California aan weli la go’aamin natiijadooda.

Dimoqraadiga ayaa sidoo kale ku guuleystay kuraasta barasaabka ee gobollada Wisconsin, Michigan iyo Pennsylvania – oo ah gobollo aad loogu loolamo kuwaasoo muhiim u ahaa guushii uu madaxweyne Biden ka gaaray Donald Trump 2020.Hase yeeshee Jamhuuriyiinta ayaa ilaashaday kuraasta barasaabka ee gobollada Florida, Texas iyo Georgia.

Iyadoo weli codadka la tirinayo, Jamhuuriyiinta ayaa weli haysta fursad ay ugu guuleystaan maamulka Congresska. Hase yeeshee natiijooyinka illaa hadda soo baxay ayaa sare u qaaday rajadii Dimoqraadiga oo filayey guuldarrooyinka xooggan.

Ad
Previous articleRuushka oo amray in laga baxo magaalada Kherson
Next articleGo’an laga gaaray Markab siday Qaxooti oo Italy ku Xanibnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here