Home Wararka Maanta Xiliga uu Dhamaanaayo Howlgalka AMISOM oo la Shaaciyay

Xiliga uu Dhamaanaayo Howlgalka AMISOM oo la Shaaciyay

0

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay maanta inuu ku egyahay 31-ka Bishan Maarso.

Hawlgalka ayaa beddeli doona magaciisa, waxaana uu noqon doonaa ATMIS oo u taagan Hawlgalka Xilliga Kala-Guurka ah ee Soomaaliya oo sii shaqayn doona 33 bilood.

Hawlgalka cusub ee ATMIS ayaa la sheegay inay si dhow ula shaqayn doonaan ciidamada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaciyey inay heshiis ka gaadheen qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub ee lagu magacaabo ATMIS ee beddeli doona hawlgalka Midowga Afrika ee lagu magacaabo AMISOM.

Hawlgalka AMISOM waxa uu soo shaqaynayey tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2007-da.

Dawladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba doonaaysay in hawlgalka Midowga Afrika uu noqdo mid ka turjumaya baahida ciidamada Soomaaliya, si ay ugu suurtogasho inay mas’uuliyadaha amniga kala wareegaan AMISOM.

ATMIS ayaa waxaa dhowaan ansixiyey Qaramada Midoobay. ATMIS waxa kusii jiraya ciidamada AMISOM ee haatan hawlgala, hase yeeshee waxaa u furan inay waddamo kalena ka qayb-qaataan.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo gaaray Galkacyo (Sawiro)
Next articleDeni oo agaasimihii PSF ee Bosaaso kula Dagalaamay Xilkisi u magacaabay iyo PSF oo lakala Qaybiyay